Dagaal khasaare badan geystay oo dhexmaray ciidamada India iyo Bakistan

Ugu yaraan 15 ruux ayaa ku geeriyooday tiro kale oo intaas ka badana way ku dhaawacmeen kaddib markii ciidamada dalalka India iyo Pakistan ku dagaalameen xaduuda ay wadaagaan ee ku taalla gobolka muranku ka taagan yahay ee Kashmiir.

Wararku waxay sheegayaan in ciidamada labada dal ay illaa iyo shalay madaafiic isku waydaarsanayeen xaduuda Kashmiir.

Saraakiisha India ayaa laga soo xigtay in 5 askari dhankooda kaga geeriyootay dagaalka dhacay, ayna khasaare culus gaarsiiyeen ciidamada Pakistan

Hindidu Pakistan ayaa ayay ku eedeeyeen inay bilaabeen dagaalka.

Dhanka Pakistan way beeniyeen eeda India waxaana war laga soo saaray Wasaaradda gaashaandhiga Pakistan lagu sheegay in dhawr madfac oo dhankooda ku soo dhacay ay wax khasaare nafeed ah geysan.

Xiisada labada dal ee salka ku heysa muranka ka taagan gobolka Kashmiir ayaa aheyd mid dheer soo jiitameysay oo loo maaro waayey.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -