OPEC iyo Ruushka oo hal arrin darteed ku heshiiyey inay yareeyaan wax soo saarka shidaalka

Ururka ay ku bahoobeen shirkadaha shidaalka soo saara ee OPEC iyo xulafada uu hoggaamiyo Ruushku ayaa ku heshiiyey Isniintii, in wax yar la dhimo wax soo saarka shidaalka, si wax looga qabto qiimaha shidaalka ee sabbaynaya iyo weliba cabsida la xidhiidha hoos u dhac dhaqaale.

Dalalka soo saara shidaalka ayaa illaa 100,000 oo foosto ka dhimi doona shidaalka ay soo saaraan maalintii marka la gaadho bisha October, taasoo u dhiganta 0.1% baahida shidaalka ee caalamka.

Dalalka soo saara shidaalka ayaa sidoo kale ku heshiiyey in dalka Sucuudiga oo ah hoggaamiyaha dalalka soo saara shidaalku inuu isugu yeedhi karo shir aan caadi ahayn, haddii qiimaha shidaalku uu fadhiisan waayo ama loo baahdo in dib loo eego.

Go’aankan ay qaateen dalalka ku bahoobay ururka OPEC ayaa wuxuu xalaadda ku haynayaa sida ay haatan tahay, iyada oo ururku uu si dhow indhaha ugu hayo qiimaha shidaalka ee isbedbedelaya.

Sucuudiga oo ka mida dalalka safka hore kaga jira wax-soo-saarka shidaalka ayaa bishii hore wuxuu muujiyey suurta-galnimada, in la dhimo waxsoosaarka shidaalka, si wax looga qabto isbedbedelka qiimaha shidaalka ee la buunbuuninayo.

Qiimaha saliidda caydhiin ayaa hoos u dhacday bishii June, waxaana qiimaha foostadii uu gaadhay $95 halka uu markii hore ka ahaa $120, waxaana sababay cabsida laga qabo inuu yimaado hoos u dhac dhaqaale iyo dhaqaale burbur ku yimaadda wadamada Galbeedka.

Alexander Novak oo ah ra’iisal wasaare ku xigeenka Ruushka ayaa sheegay in dhimista wax soo saarka saliiddu inuu yahay mid ka tarjumaya oo keliya filashada la xidhiidha koboca liita ee dhaqaalaha aduunka.

Hase ahaatee warar kale ayaa sheegaya in tallaabadan ay ugu wacan tahay iyada oo la filayo in shidaalka dalka Iran uu soo galo suuqyada caalamka, haddii is-afgarad laga gaadho wadahadalka ay kula jirto wadamada Galbeedka. Waxaana falanqeeyayaashu ay sheegayaan, in dalalka soo saara shidaalku ay dhimista wax soo saarka u samaynayaan, si ay u xakameeyaan qiimaha shidaalku inaanu si weyn hoos ugu dhicin.

Tallaabadan ayaa loo arkaa inay tahay fariin uu Sucuudigu u dirayo Maraykanka oo ku saabsan soo noolaynta heshiiska hubka Nukliyeerka ee Iran.

Iran ayaa la filayaa inay suuqa soo geliso illaa $1 Million oo foosto maalintii, ama 1% oo ka mida baahida shidaalka ee dunida, haddii laga qaado cunaqabataynta saaran.

Source-Voa

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -