Faahfaahin: Duqeymo loo geystay saldhigyo Al-Shabaab ku leeyihiin Sh/hoose

Duqayn ay fuliyeen dayuurado dagaal ayaa ka dhacay nawaaxiga degaanka Kuunyo Barrow ee Gobolka Shabeellda Hoose.

Wararka ayaa sheegaya in duqeyntan lagu weeraray saldhigyo ay leeyihiin kooxda Al-shabaab.

Ilo ku dhow dawladda Soomaaliya ayaa sheegay in duqayntan lagu dilay laba xubnood oo ka tirsan ururka Al-Shabaab.

Xubnaha la bartilmaameedsaday ayaan weli la aqoonsan, iyadoo Dhinaca kale ururka Al-Shabaab ka hadlin duqayntan, inta badana kama hadlaan weerarada loo geysto.

Ciidamada Maraykanka ee Somalia jooga oo la aaminsan yahay iney fuliyeen duqeyntan ayaa sanadihii dambe xoojiyey weerarada ay ka geystaan degaanada ay maamusho Al-shabaab.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -