Allbanaadir.com
NEWS

Qarax Khasaaro geestay oo ka dhacay Dalka Kenya iyo Faah Faahino kasoo baxaya

Qarax miino oo hareeraha wadada lagu aasay ayaa ka dhacay deegaan kuyaala xadka ay wadaagaan Soomaaliya iyo Kenya gaar ahaan dhinaca magaalo xeebeedka Lamu.

Sida ay ku waramayaan Warbaahinta Kenya qaraxan ayaa haleelay gaari la sheegay in dad shacab ah la socdeen, waxaana qaraxa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay hal qof oo la sheegau in uu shacab ahaa ayaa ku dhintay qaraxan halka labo qof oo kalana dhaawac culus kasoo gaaray , waxaana gubtay gaarigii uu haleelay qaraxa.

Ismaamulka Lamu ayaa sheegay in qaraxa lala eegtay gaari shacab, waxa ayna ku eedeeyeen in qaraxan ka dambeeyaan dagaalyahanada Al Shabaab oo horey qaraxyo badan uga geestay gudaha Kenya.

 

Related posts

Dayax-gacmeed uu leeyahay Imaaraadku oo sawiro ka soo diray meeraha Mars

Cabdi Cade

Xogo cusub oo laga helay Heshiiskii DF iyo Janan & Balan qaadyadii lagu soo xero galiyay

Cabdi Cade

Ku dhowaad boqol qof oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dibed-baxa Somaliland

Caydiid Ali
Taboola Ads ---