Allbanaadir.com
NEWS

Guddiga Xalinta Khilaafaadka oo baaris ku bilaabay Dacwada laga soo gudbiyay Kursiga HOPO239

Guddiga Xalinta Khilaafaadka Doorashada ayaa bilaabay baarista dacwada laga soo gudbiyay kursiga sumadiisu tahay HOP0239 uu dhawaan ku guuleestay Raisul Wasaare kuxigeenka dalka Mahdi Guuleed.

Kursigan waxaa dacwad ka gudbiyay Xildhibaan Xuseen Carab Ciise oo horey ugu fadhiyay kursigan, waxa ayna dacwada kadib guddiga xalinta khilaafaadka doorashada hakiyeen natiijada doorashadaasi.

Gudoomiye kuxigeenka guddiga Xalinta khilaafaadka Doorashada Maxamed Ibraahim Barre ayaa sheegay in ay bilaabeen baarista dacwada laga soo gudbiyay kursiga uu ku guuleestay Mahdi Guuleed.

Waxa uu sheegay Mr Barre in natiijada baarista kursigan laga soo gudbiyay ay soo gudbin doonaan mudo isbuuc gudihiis, waxa uuna cadeeyay in kursiga walbo oo dacwad laga soo gudbiyo dib u eegis iyo baaris lagu sameenayo.

Related posts

Dad badan oo ku dhintay qaraxii garoonka Kabul & Taliban oo War soo saartay

Caydiid Ali

Al Shabaab oo weerar qaraxyo ku bilowday ku qaaday fariisimo ciidan

Cabdi Cade

Israel oo duqeysay garoonka dayuuradaha Sanca

Caydiid Ali
Taboola Ads ---