Wasiir Dubbe oo ku baaqay in Doorashada laga daayo Malxiiska Niqaabka xiran

Wasiirka Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa si adag uga hadlay musuq maasuqa hareeyay doorashooyinka labada Aqal ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Dubbe ayaa ku baaqay in doorashada Aqalka Hoose ee dhawaan dalka ka bilaabatay noqoto mid hufan oo lagu tartamo lagana dhaafo malxiiska si ay micno u yeeshaan doorashooyinka.

Waxa uu codsaday Wasiir Dubbe in doorashada laga daayo malxiiska ama ugu yaraan laga dhaafo malxiiska niqaabka xiran uu kala jeeday Haweeneydii dhawaan la tartantay Raisul Wasaare kuxigeenka Dalka Mahadi Guuleed.

”Guddiyada Doorashada waxaan leeyahay halaga daayo doorashada Malxiiska, hadii aan laga deyn walbo halaga dhaafo midka niqaabka xiran ” ayuu yiri Wasiir Dubbe.

Hadalka Wasiirka ayaa kusoo aadaya xili doorashada Golaha shacabka ka bilaabatay Muqdisho, waxaana kuraastii ugu horeesay durba ku bilaabatay qaab musuq maasuq ah iyadoona labada musharax ee guuleestay ay wateen xubno malxiis ah.

- Advertisement -