Ku dhowaad boqol qof oo dhimasho iyo dhaawac ku noqday dibed-baxa Somaliland

Booliska Somaliland ayaa war ka so saaray dibad-baxyadii rabshadaha watay ee maanta ka dhacay magaalooyinka Somaliland, kuwaasoo looga soo horjeeday madaxweynaha maamulkaas laguna dalbanayey in doorashada la qabto xiligeeda..

Taliyaha howlgalinta Booliska Somaliland, S/Guuto Ibraahim Cabdi Xaaji ayaa sheegay in dibad-baxii maanta ay ku ku naf waayeen ugu yaraan 3 ruux oo shacab ah kuna dhaawacmeen 89 kale.

Dadka dhaawacmay ayuu sheegay iney iskugu jireen 27 shacab ah iyo 62 askari ka tirsan ciidamada Somaliland kuwaasoo dhibaato ay ka soo gaartay isku dhacyada boliska iyo dadka dibed baxayey.

“Sharci-darada ballaaran ee xadgudubka ku ah nidaamkii loogu tala-galay dibed baxa ayaa waxay keentay inay dhaawacmaan isku geyn ciidan boolis ah 62 ah, saddexdaas magaalo ee Hargeysa, Burco iyo Ceerigaabo,” ayuu yiri.

Waxaa uu sheegay in dibad-baxyada rabshadaha watay ay u xirxireen 100 qof isla markaana ay feylasha gal dacwadeedkooda u gudbiyeen maxkamadaha iyo xeer ilaalinta ku shaqada leh, si loo mariyo ciqaabta ay mudan yihiin.

Dhinaca kale hogaamiyaha xisbiga Wadani C/raxmaan Ciro ayaa ku eedeeyey boliska iney rasaas nool iyo awood badan u adeegsadeen ka hortaga dad uu sheegay iney si nabad ah u cabireeyeen fekerkooda.

“Mudaharaadkii maanta xukumaddu waxay u adeegsatay xoog iyo itaal wixii ay haysay. Dadka ku dhintay xogta aanu hayno waa 6 qof waanay ka badan kartaa maaddaama dhaawacyo halis ahi jiro, dhaawacu wuxuu kor u dhaafay boqol (100) qof halka xadhigguna ka badan yahay 100 qof. Illaahay ha u naxariisto inta inaga dhimatay ehelkooda iyo dhammaan ummadda Somaliland ee ay ka baxeenna samir iyo iimaan ha ka siiyo inta dhaawaca ahna caafimaad dhakhso ah ha siiyo” ayuu yiri C/raxmaan Ciro.

hogaamiyaha xisbiga Wadani ayaa sheegay in masuuliyada khasaaraha ka dhashay banaanbaxyadii maanta uu qaadayo Muusu Biixi.

“Masuuliyadda waxa qaadaya oo lagala xisaabtami doona xukumadda wakhtigeedu dhammaanayo iyo ninkii xalay saqdii dhexe dadka u hanjabayay” ayuu intaas ku daray Ciro.

- Advertisement -