Imaaraadka iyo Sacuudiga oo si weyn uga carooday Hadal kasoo yeeray Wasiir George Kordahi

Dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka ayaa si weyn uga carooday ugana falceliyay hadal kasoo yeeray Wasiirka warfaafinta dalka Lubnaan George Kordah, oo ka dhawaajiyay hadal labadaasi dal ay dhibsadeeen.

George Kordah, ayaa ku dhaleeceeyay dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraadka duulaanka ay ku qaadeen dalka Yemen, waxa uuna taageero u muujiyay wasiirka kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka kala soo horjeeda labadan dowladooda.

Waxa uu wasiirka Warfaafinta Lubnaan ku eedeeyay Sacuudiga iyo Imaaraadka in ay duqeeyaan dad shacabna ah ku laayaan xafladaha arooska , goobaha tacsida taal iyo goobo ay dad shacab ah kunool yihiin.

Wareysi uu bixiyay George Kordah, ayuu ku sheegay in kooxda Xuutiyiinta ee dagaalka kula jirta Sacuudiga iyo Imaaraadka ay yihiin kuwa naftooda ka difaacaya gar daro uga timid xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Hadalkan kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Lubnaan ayaa si weyn uga careesiiyay dowladaha Imaaraadka iyo Sacuudiga , waxa ayna labadan dowladood si deg deg ah ugu yeereen safiirada u jooga Lubnaan dalalkooda una dhiibeen qoraal ashtako ah.

Wasaaradda Arrimaha Dibedda Sacuudiga, ayaa sheegtay in aad uga xun tahay hadalada gefka ah ee kasoo yeeray Wasiirka Warfaafinta Lubnaan, waxa ayna hadalka Wasiirka ku tilmaameen mid u janjeera koox argagaxiso ah ay ula jeedeen Xuutiyiinta.

Dowlada Imaaraadka Carabta ayaa dhankeeda si kulul u cambaareesay hadalka Wasiir Kordah, waxa ayna hadalkiisa ku tilmaameen kuwa ceeb ah oo loogu gefay xulufada Sacuudiga iyo Imaaraadka.

Lubnaan ayaa hadalkan kasoo yeeray wasiirkeeda ku tilmaantay mid aan aragtideeda ka turjumeyn, waxa ayna dowlada sheegtay in ay rumeesan yihiin in Wareysigan la qaaday kahor inta aan George Kordah aan loo magacaabin Wasiir bishii September.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -