Wararkii Ugu Dambeeyay Al Shabaab oo saakay la wareegtay Deegaanka Af Urur

Wararka ka imaanaya deegaanka Af Urur oo katirsan gobolka Bari ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in saakay la wareegeen dagaalyahano aad u hubeesan oo katirsan kooxda Al Shabaab.

Dadka deegaanka ayaa ku waramay in saakay deegaankaasi soo galeen dagaalyahano katirsan Al Shabaab, waxaana deegaankaasi isaga baxay ciidamadii maamulka Puntlanad ee saldhiga ciidan ku lahaa.

Sida aan wararka ku helnay deegaanka Af Urur ay saakay la wareegeen Al Shabaab kama dhicin wax dagaal ah, waxaana deegaankaasi kahor inta aysan Al Shabaab soo gaarin isaga baxay ciidankii ku sugnaa oo ka war helay duulaanka Al Shabaab.

Al Shabaab ayaa sheegtay in si buuxda ula wareegeen gacan ku heynta deegaanka Af Urur, waxa ayna Al Shabaab barahooda internetka ku faafiyeen in ay ku sugan yihiin saldhigyadii iyo xarumihii ay ka baxeen ciidamada Puntland.

Maamulka Puntland ayaan wali ka hadlin weerarka Al Shabaab saakay ku qaadeen deegaanka Af Urur oo ahaa deegaan is taraatiiji ah, waxaana deegaankan weerar ay horey ugu qaadeen Al Shabaab ku dileen ciidamo badan oo katirsanaa maamulka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho-Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -