Madaxweyne Qoor-qoor iyo wafdi uu horkacayo oo gaaray degmada Guriceel (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa galabta soo gaaray Degmada Gurceel ee Gobolka Galgaduud oo maalmo ka hor ay ka dhaceen dagaalo culus

Maamulka Degmada, xubno ka tirsan labada gole ee dowlad goboleedka Galmudug iyo masuuliyiin kale ayaa ku soo dhaweeyay duleedka magaalada Gurceel.

Qoor-qoor ayaa ayaa caawa ku hoyanaya magaalada Guriceel, isagoo kulamo la qaadan doona waxgaradka iyo qeybaha bulshada halkaas ku dhaqan.

Ku dhowaad 100 qof ayaa ku dhimatay, tiro intaas ka badana wey ku dhaawacmeen dagaalo sadex cisho socday oo Guriceel ku dhexmaray ciidamada Galmudug oo taageero ka helaya kuwa federaalka iyo maleeshiyo taabacsan ahlu sunna oo halkaas qabsatay bil ka hor.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -