Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Qoor Qoor oo u amba baxay Safar Dibadda ah kadib casuumad uu helay (Sawirro)

Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye iyo wefti uu hogaaminayo ayaa maanta safar shaqo ugu ambabaxay Dalka Jabuuti. Kaddib casuumaad rasmi ah oo uu ka helay Madaxweynaha dalkaas Mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
 
Guddoomiyaha Golaha Barlamaanka Galmudug Dr. Maxamed Nur Gacal, masuuliyiin ka tirsan Goleyaasha Dowladda, siyaasiyiin iyo maamulka caasimadda ayaa weftiga Madaxweynaha ka sagootiyey garoonka diyaaradaha Ugaas Nuur ee Dhuusamareeb.
Madaxweynaha Galmudug ayaa magaalada Jabuuti kula kulmi doona Madaxweynaha dalka Jabuuti iyo masuuliyiin kale oo katirsan dalkaasi, waxa ayna kawada hadli doonaan sidii Jabuuti gacan uga geesan laheyd horumarka Galmudug.
Safarkan uu maanta ugu ambo baxay dalka Jabuuti Madaxweynaha Galmudug ayaa noqonaya safarkii ugu horeeyay uu dalkaasi ku tago, waxa uu sidoo kale safarkan noqonayaa kii labaad uu dalka dibadiisa ugu ambo baxo.
Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

Related posts

James Swan oo digniin ka bixiyey ka dhalan karta khilaafka Farmaajo & Rooble

Caydiid Ali

Wararkii u dambeeyey dagaalka Ukriane & Madaxweyne Zelensky oo eedeeyey NATO

Caydiid Ali

Hoobiyeyaal ku dhacay xaafado ka tirsan Muqdisho & faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---