Waa maxay sababta dunidu ay ugu mashquulsan tahay filimka caanka noqday ee Squid Game.

Taxanaha SQUID GAME Kuuriyada Koonfureed ay soo saartay ayaa qabsaday xiisaha daawadayaasha adduunka oo dhan. Maalmo gudahood markii la siidaayay, filimka ayaa si dhaqsi ah ku noqday mid ka mid ah aflaanta aadka looga daawado Netflix.

‘Taxanihii ugu weyn abid’: Sidaasi Netflix ayaa ka tiri Game Squid.

Filimkaani waxa uu soo baxay 17kii Sebtembar 2021. Madaxa fulinta ee Netflix Ted Sarandos ayaa yiri bishii hore, “Squid Game waxa la daawanayaa sagaal maalmood oo keliya, waana fursad aad u wanaagsan inuu noqdo taxanihii ugu weyn.”

Waa maxay ciyaarta Squid? Maxay ku saabsan tahay?

Kuwa aan aqoon, Squid Game  waa ciyaar ay ka qeybqaadanayaan boqolaal qof oo quus ka jooga lacag la’aan, waxa lagu amraya in ay ciyaaraan ciyaaro caruureed hadii aad ku guulesato waxaad heleysaa $38.31 Milyan, haddii lagaa badiyo ciyaarta, waad dhimanaysaa.

Musalsalkaan ayaa markii hore loo soo saaray filim ahaan, laakiin markii dambe waxa loo beddelay taxane si ujeeddadiisu si fiican ugu habboonaato. Dadku waa la qabatimay taxanaha oo waxay u arkaan mid lala xidhiidhin karo noloshooda.

Haddaba marka la eego guusha baaxadda leh ee fimilkaan gaaray, Agaasimah filimkaan Hwang Dong-hyuk miyuu ku fekeray inuu sameeyo SQUID GAME 2?

“Ma hayo qorshayaal si wanaagsan loo horumariyay oo loogu talagalay ‘Squid Game 2’. Waa arrin daal badan ka fikirida arrintaas,” filim-sameeyaha ayaa u sheegay Variety.

By: Yusuf Sodal

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -