Jen.Odawaa oo Bogaadiyay Bulshada Guriceel kana gudoomay Geel iyo Raashin (Sawirro)

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, General Odawaa Yuusuf Raage oo ay wehliyaan saraakiil kale oo katirsan ciidanka xooga dalka ayaa kulan la qaatay waxgaradka ku dhaqan magaalada Guriceel.

Jen. Odawaa iyo Odayaasha uu la kulmay ayaa kawada hadlay dagaalkii ka dhacay magaalada Guriceel iyo sidii looga shaqeyn lahaa in magaaladaasi noqoto mid amaan ah oo ku jirta gacanta maamulka Galmudug iyo bulshada magaalada ku dhaqan.

Taliyaha ciidanka Xooga Soomaaliyeed ayaa ku bogaadiyay odayaasha  iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ku dhaqan magaalada Guriceel sidii ay ciidamada qalabka sida uga gacan siiyeen in magaalada laga saaro kooxda Ahlu Sunna ee horey u qabsatay.

Odayaasha Dhaqanka Guriceel ayaa dhankooda u mahad celiyay Taliyaha ciidanka xooga Soomaaliyeed iyo saraakiisha kale waxa ayna goobtaasi  kula wareejiyeen 10-neef oo geel ah, raashin iyo cabitaano ay ugu talagaleen dhiirigalinta ciidanka amniga.

Magaalada Guriceel ee gobolka Galgaduud waxaa ka dhacay dagaal dhiig badan ku daatay oo ay ku dhinteen dad ku dhaw 100-qof ay ku jiraan shacab, waxaana dagaalkan uu keenay in ciidamada Ahlu Sunna oo horey u qabsaday Guriceel ay isaga baxaan.

.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -