Isbitaalka Somali Sudanese oo ku guuleystay abaalmarinta isbtaalka ugu fiican Dalka (Sawirro)

Isbitaal Takhasusiga ee Somali Sudanese oo guuleystay abaalmarinta isbtaalka ugu fiican ee gaarka loo leeyahay

Munaasabad lagu bixinayay abaalgudka Goobta Caafimaad ee ugu weyn uguna fiican Soomaaliya oo lagu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa lagu qiimeeyay xarumo xarumo caafimaad kala duwan oo ka howlgalla Gobolka Banaadir.

Xafladaas ayaa waxaa ka soo qaybgalay dhammaan bahda caafimaadka sida dhaqaatiirta, Isbitaalada gaarka loo leeyahay iyo kuwa dowladda, iyo masuuliyiin sarsare oo ka kala socdo qaybaha kala duwan ee bulshada

Isbitaalka takhasusiga ee Soomaali Sudanese ayaa ku guuleystay abaalmarinta isbitaalka ugu fiican ee isbitaalada gaarka loo leeyahay, kadiba qiimeen ay sameesay Somali health awards, ayaa loogu doortay Isbitaalka Somali Sudanese in uu yahay isbitaalka ugu fiican Sanadka 2021.

Ma ahan markii ugu horreysay uu isbitaalka Somali Sudanese uu ku guuleystay abaalmarintaan. Sidoo kale isbitaalka Somali Sudanese wuxuu ku guuleystay abaalmarinta Mogadishu Health Awards sannadka 2020.

Isbitaalka takhasusiga ah ee Somali Sudanese waa isbitaalka ugu wayn ee gaar loo leeyahay kuna yaalla degmada Hodan ee magaalada Muqdisho. Isbitaalka waxaa 2014 aasaasay ganacsato Soomaaliyeed iyadoo xilligaasi bulshada Soomaaliyeed ay aad ugu baahi qabeen adeeg caafimaad oo lagu asteeyay hufnaan iyo tayo, waafaqsanna halbeegyada caalamiga ah ee loo jideeyay daryeelka bukaan socodka iyo bukaan jiifkaba.

Isbitaalka Somali Sudanese waxaa markiisii hore lagu bilaabay 50 sariirood iyadoo maantana uu sariiraaha bukaanka la gaarsiiyay in ka badan 120 sariirood, maanta isbitaalka Somali Sudanese waxaa ka hawlgala 22 dhaqtaariir oo aqoon xeel-dheer iyo waaya-aragnimo u leh dawaynta cudurada kala duwan. Waxayna dhaqaatiirtaas isugu jiraan.

• Dhaqtarka Cudurada Guud
• Qalliimada guud
• Dhaqtarka Lafaha
• Dhatarka maqaarka
• Dhaqtarka caloosha (gastroenterology)
• Dhaqtarka wadnaha (Gardiology)
• Dhaqtarka Cunaha, dhagaha, & Sanka (ENT)
• Dhaqtar haweenka
• Dhaqtarka Killiyaha iyo kaadimareenka (Urology).

- Advertisement -