Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Cabdirashiid Janan & Senator Fartaag oo booqasho lama filaan ah ku tagay Belad-xaawo

Degmada Beled-Xaawo ee Gobolka Gedo waxaa muddo kadib saaka gaaray Wasiirkii hore ee Amniga dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdirashiid Xasan Cabinuur (Janan) iyo Senator Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag) oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka Somalia.

Mas’uuliyiintan ayaa waxaa degmada Beled-Xaawo kusoo dhaweeyay Saraakiil Ciidan iyo mas’uuliyiin kale, waxayna booqdeen Xerada Ciidamada UK ee degmada Beled-Xaawo.

Wasiirkii hore Cabdirashiid Janan oo Ciidamada dowladda kula hadlay Xerada UK ayaa sheegay in ay u yimaadeen sidii loo heli lahaa Jubbaland mideysan iyo sidii loo dardar gelin lahaa howlgalka ka dhanka ah Al-Shabaab.

Magaalooyinka Gobolka Gedo ayaa waxaa Maanta si weyn looga hadal hayaa Wafdiga Wasiirkii hore ee Amniga Jubbaland iyo Sanoter Fartaag oo labadaba  dhawaan si wyen uga soo horjeestay muddo kordhintii loo sameeyay Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Maxkamada ciidamada oo qabatay dacwad ka dhan ah Fahad Yaasiin & Xubno kale (Akhriso)

Caydiid Ali

Maxaa sababay amni darada maalmahan ku soo korortay Magaalada Muqdisho?

Caydiid Ali

Soomaali toorey ku hubeysan oo saddex qof ku dilay Magaalada Würzburg (Sawirro)

Caydiid Ali
Taboola Ads ---