Madaxweyne Qoor Qoor oo ka hadlay Dagaalka Guriceel Shaacana ka qaaday in Ajaaniib ay …

Madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo ayaa Muuqaalo uu soo duubay uga hadlay dagaalka ka socda magaalada Guriceel ee u dhaxeeya ciidamada Dowlada iyo kuwa Ahlu Sunna.

Qoor Qoor ayaa ugu horey ka tacsiyadeeyay ciidankii iyo dadkii kale ee ku dhintay dagaalka Guriceel, waxa uuna ku eedeeyay kooxda Ahlu Sunna in duulaan qaawan kusoo qaadeen magaalada Guriceel ayna dhufeesyo ka dhax qoteen guryaha shacabka.

Waxa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in marar badan ugu baaqeen kooxda Ahlu Sunna in si nabad galyo ah uga baxaan magaalada Guriceel ayna taasi badalkeeda hab nabad ah wax ku raadiyaan balse ka biyo diideen dagaalna u diyaar garoobeen.

Madaxweyne Qoor Qoor ayaa sheegay in maamulkiisa ku qasbanaaday in ay is difaacaan kadib markii Ahlu Sunna nabada diideen ayna qorsheeyeen in ay weeraraan deegaano kale oo maamulka Galmudug ka arimiyo.

Qoor Qoor ayaa sheegay in maamulkiisa diyaar u yahay in uu qanciyo lana fadhiisto qof kasta oo kasoo jeeda Galmudug oo tabasho qaba, waxa uuna cadeeyay in ay kasoo horjeedaan in xiligan koox awood iyo qoray caaradiisa wax ku raadiso.

Madaxweynaha Galmudug ayaa sheegay in ay la socdaan dhinacyo gadaal ka riixaya colaada magaalada Guriceel, kuwaa uu tilmaamay in ay isugu jiraan Soomaaliya iyo Ajnabi, waxa uuna wax laga xumaado ku tilmaamay in xiligan colaad sukeeye laga shaqeeyo.

Waxa uu sheegay Madaxweyne Qoor Qoor in ay hayaan cadeeymo buuxa oo ku aadan kooxaha gadaal ka riixaya colaada Guriceel ee isugu jira Soomaali iyo Ajaaniib, waxa uuna cadeeyay in gadaal kasoo bandhigi doonaan cadeymaha ay hayaan.

Ugu Dambeyn Madaxweyne Qoor Qoor ayaa ugu baaqay bulshada Galmudug in ay gacmaha is qabsadaan iskana kaashadaan la dagaalanka Al Shabaab iyo sidii looga shaqeyn lahaa in dalka ka dhacdo Doorasho nabdoon.

Hadalka Madaxweynaha Galmudug ayaa kusoo aadaya xili magaalada Guriceel ka dhaceen dagaal dhiig badan ku daatay oo u dhaxeeyay ciidamada huwanta iyo kuwa Ahlu Sunna, magaalada ayaana wali waxaa isku hor fadhiya labada ciidan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -