Allbanaadir.com
NEWSWORLD NEWS

Koox Hubeesan oo dad badan ku dhax dishay Gudaha Masjid ay ku dukanayeen

Koox hubeesan ayaa weerar ku qaaday masaajid kuyaala deegaanka Maza-Kuka oo kuyaala gobolka Neyjar ee Galbeedka Dalka Nageria , waxaana weerarkan ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay weerarkan lagu qaaday masjidka xili salaada subax la dukanayay waxaa ku dhintay 18-qof halka ay ku dhaawacmeen tiro kale, dadka dhaawacyada qaarkood ayaa la sheegay in dhaawacyo culus qabaan.

Dableyda hubeesan oo watay mootooyin ayaa gudaha u galay masjidka kuyaala deegaanka Maza-Kuka xiliga salaada subax, waxa ayna kooxda hubeesan si aan kala sooc laheyn u beegsadeen jameecadii masjidka ku jirtay.

Weerarkan ayaan wali la shaacin cida ka dambeesay , waxaana dalka Nageria kusii badanaya weerarada ay geestaan kooxaha hubeesan kuwaa oo xiliyada qaar dadka afduubta kadibna madax furasho ka qaata.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Xassan Shiikh oo agaasime cusub u Magacaabay Madaxtooyada Qaranka

Caydiid Ali

Diyaarad milatari oo siday maxaabiis dagaal oo bur burtay iyo dadkii saarnaa oo dhintay

Cabdi Cade

Xiliga ay dhaceyso Doorashada Madaxweynaha Galmudug oo dib u dhacday iyo Sababta keentay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---