Saraakiisha Muhiimka ah ee ku dhintay kuna dhaawacmay Dagaalka Guriceel (Akhriso Magacyada)

Dagaalka u dhaxeeya Ciidamada dowlada federaalka ay wehliyaan kuwa maamulka Galmudug iyo xooga Ahlu Sunna ee wali ka socda magaalada Guriceel ayaa dhaliyay khasaaro badan oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Dagaalka waxaa ku dhintay dadka badan 50-qof oo u badnaa dhinacyada dagaalamayay, waxaana dadka dhintay ku jira qaar kamid ah saraakiishii ciidamada dagaalamaya hogaaminayay iyo halka qaar kalana dagaalka ku dhaawacmeen.

Saraakiisha dagaalka ku dhintay ayaa waxaa ku jira taliyihii ciidamada Danab ee Galmudug  Gaashaanle, Cabdiladiif Axmed Culusow (Feyfle), waxaa sidoo kale dagaalka ku dhintay saraakiil kale oo iyana hogaaminayay ciidanka Ahlu Sunna.

Halkan ka Akhriso magacyada saraakiisha labada dhinac ee dagaalka ku dhintay

  1. Gaashaanle, Cabdiladiif Axmed Culusow (Feyfle) Taliyihii ururka 6-aad ee kumaandooska Danab.
  2. Aadan Ibrahim Aadan, oo ka tirsanaa saraakiishii ciidanka Gorgor.
  3.  Cabdiqani Maxamed Diiriye, Taliyihii garoonka diyaaradaha Dhuusamareeb ee NISA,
  4. Laba xidigle Faarax Muumin oo hogaamiyay ciidanka Haramcad ee Galmudug jooga .
  5. Sahal Bashiir oo ka tirsan saraakiisha sar sare ee Ahlusunna.

Magacyada Saraakiisha dhaawacantay

  1. Cali Faarax Maxamed Bilaal, taliyaha guud ee ciidanka Ahlusunna.
  2. Cali Xade taliye ku xigeenka xigeenka ciidanka Ahlusunna.
  3. Cabdikaafi Tashade, sarkaal sare oo ka tirsan Ahlusunna.
  4. Maxamed Cabdulaahi Qasaaye, oo ka mid ahaa saraakiisha Ciidanka Haramcad.
  5. Cabdifitaax Ilay oo katirsan saraakiisha ciidanka Ahlusunna .

Saraakiisha Ciidanka Ahlu Sunna ee dagaalka ku dhaawacmay ayaa qaarkood waxaa gacanta ku haya ciidanka dowlada federaalka iyo kuwa Galmudug oo qabtay xili loo waday Isbitaal kuyaala Gaalkacyo.

Khasaaraha ka dhashay dagaalka aan wali lagu kala bixin ee ka socda magaalada Guriceel ayaa ka badan kara inta hada la ogyahay, waxaana labada dhinac wali isku hor fadhiyaan qeybo kamid ah Guriceel oo sadexdii maalin ee lasoo dhaafay dagaal culus ka dhaceen.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -