Qoyska Hooyo Kufsi iyo dil aragagax leh loo geestay oo Warbaahinta la hadlay

Magaalada Burco ee caasimada gobolka Togdheer waxaa maalin kahor ka dhacay dhacdo dad badan ka argagaxeen kadib markii hooyo kamid aheyd dadka ku dhaqan magaaladaasi kufsi iyo dil la isugu daray.

Ugbaad Cali Cabdullaahi oo aheyd hooyo heesata sadex caruur ah ayaa kufsi iyo dil loogu geestay guri kuyaala magaalada Burco kadib markii u tagtay nin la sheegay in uu xiriir kala dhaxeeyay.

Meydka hooyadan dilka iyo kufsiga loo geestay ayaa yaala isbitaalka magaalada Burco , waxaana ciidamada booliiska magaaladaasi gacanta ku hayaan ninkii ka dambeeyay dilka iyo kufsiga gabadhaasi loo geestay.

Cabdinaasir Cali Cabdullaahi oo la dhashay gabadha dilka iyo kufsiga loo geestay ayaa Bbc-da u sheegay in meydka walaashiis aan la aasin ayna ku socdaan baaritaan, waxa uuna codsaday in cadaalada la marsiiyo ruuxii ka dambeeyay dilka iyo kufsiga.

“Waxa kaliya ee aan codsaneyno waa in xukuumadda Somaliland, oo uu madaxweynuhu ugu horreeyo, ay caddaalad na siiyaan. Arrintaas caddaalad ayaan ka rabnaa, ninkaa dilka geystay ee eedesanaha ah waxaannu dooneynaa in sharciga naloo mariyo sida ugu dhakhsiyaha badan leh oo aan xabsiga loogu heynin sida dadka hore ee dilalka u xidhan.ayuu yiri Cabdinaasir.

Waxa uu sheegay Cabdinaasir in walaashiis dilkeeda loo adeegsaday in madaxa darbiga ama gidaarka looga garaaco, waxa uuna xusay in dhibaato xoogan la gaarsiiyay oo maskaxda soo duntay sidaasna ku geeriyootay.

“Gabadha madaxa ayaa laga dilay, gidaarka ayaa madaxa loola dhacay, kaddib maskaxdii ayaa duntay, dhaawacaas madaxa ka gaadhay ayeyna u dhimatay.”ayuu yiri Cabdinaasir Cali.

Ninkii ka dambeeyay dilka iyo kufsiga hooyadan loogu geestay magaalada Burco ayaa la sheegay in isagu tagay saldhiga booliiska markii uu falkaasi dhacay, waxa ayna baaliiska wadaan baaritaano ku aadan sida uu kiiskan u dhacay.

Ehelada gabadha la dilay ayaana ka codsaday maamulka Somaliland in cadaalada marsiiyaan ninkii dilka geestay, waxa ayna reerka gabadha meesha ka saareen in wada xaajood ka galayaan dilka argagaxa leh ee loo geestay gabadhooda.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -