Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Qarax ka dhacay xarunta Maamulka degmada Ceelwaaq iyo khasaare ka dhashay

Qarax geystay khasaaro kala duwan ayaa ka dhacay Hoolka shirarka Xarunta degmada Ceelwaaq ee gobolka Gedo sida ay sheegayaan wararka halkaas naga soo gaaraya degmadaas

Qaraxa oo loo adeegsaday miinada lagu aaso dhulka ayaa xilliga uu ka dhacayay waxaa ku sugnaa goobta Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka degmada oo ku waxyeeloobay qaraxaas.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in qaraxa ay ku dhaawacmeen laba kamid ah askarta goobta ku sugneyd, kuwaasoo la geeyay Isbitaalka degmada Ceelwaaq oo haatan lagu daweynayo.

Sidoo kale wararka ayaa sheegaya in qaraxan ay uu geystay burbur soo gaaray dhismaha xarunta maamulka iyo  qalab kala duwan oo goobta yiilay.

Ceelwaaq waa degmada kaliya ee Gobolka Gedo ay ka joogaan Ciidanka Jubbaland, waxaana ku wehliya kuwa Kenya ee katirsan AMISOM.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xildhibaanada labada Aqal oo soo gabagabeeyay Dooda cutubka 4-aad ee Dib-u-eegista Dastuurka

Cabdi Cade

Dowlad shuruud lala yaabay ku xirtay lamaanaha doonaya iney isguursadaan

Caydiid Ali

Milatariga Itoobiya oo sugaya Amar ay mar kale ku weeraraan magaalada Makalle

Cabdi Cade
Taboola Ads ---