Allbanaadir.com
NEWS

Xildhibaanada labada Aqal oo soo gabagabeeyay Dooda cutubka 4-aad ee Dib-u-eegista Dastuurka

Guddoomiyaha Golaha Shacabka  Mudane Sheekh Aadan Maxamed (Madoobe) ayaa maanta shir guddoomiyay kulanka 29-aad ee Labada Aqal ee BJFS. Kulanka Guddoomiyaha waxaa ku wehliyay kuxigeenada-labada aqal ee Baarlamaanka 11-aad.

Ajanadaha kulanka maanta oo ahaa sii-wadida dooda madaxyada 3-aad iyo 4-aad oo ku jira Cutubka 4-aad ee wax-ka-bedelka Dastuurka KMG ee  Soomaaliya, waxayna Xidhibaannada aragtidooda ka dhiibteen qodobadii ka harsanaa dooddii madaxyada 3aad iyo 4aad ee cutubka afaraad.

Guddoomiyaha Guddiga La-socodka Wax-ka bedelka Dib-u-eegista Dastuurka Xil. Xuseen Iidow oo dooda kaddib ka hadlay soo-jeedimaha Xildhibaannada ayaa mid mid u dul istaagay qodobadii ay aragtidooda ka dhiibteen Xildhibaannada iyo Senatorrada ee Baarlamaanka 11aad, isagoona sharxay qodob kasta faqraha uu ka koobnaa.

Guddoomiyaha Guddiga Madax-banaan ee Dib-u-eegista Dastuurka Avv Burhan Aadan Cumar, oo Xildhibaannada aragtooda dhiibtay u soo bandhigay qaab qoraal ah, isagoona dulmar kooban ku sameeyay Xildhibaan kasta aragtida uu ka dhiibtay qodobadii iyo faqradihii ku qornaa cutubka afaraad ee dib-u-eegista Dastuurka.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo gunnaanadka soo xiray fadhiga maanta ayaa sheegay in dooda cutubka 4-aad uu inta ku egyahay, isla-markaana Guddiga Dastuurka looga baahanyahay in ay soo khulaaseeyaan soo jeedimaha Xildhibaanada.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Munaasabad heer sare ah oo loo qabtay arday ka qalan jabisay Jaamacada Jamhuuriya (Daawo Sawirada)

Cabdi Cade

Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo dhameestiray Golihiisa Wasiirada (Akhriso Magacyada)

Cabdi Cade

Ganacsato Imaaraadka u dhalatay oo doonaya in ay maalgashadaan Somaliland (Sawirro)

Cabdi Cade
Taboola Ads ---