Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Askar ka tirsan ciidamada AMISOM oo Maxkamad lagu soo taageyo gudaha Somalia

AMISOM ayaa sheegtay in guddi xaqiiqo raadin ah oo ay u saareen dilka dad rayidka ah oo dhacay 10-kii Bishii Agoosto ee sanadkan lagu ogaaday in todobo qof oo Shacab ah la dilay degaanka Golweyn ee Gobolka Shabeellaha hoose

War-saxaafadeed ka soo baxay AMISOM waxay ku ay sheegtay in Guddiga oo ka koobnaa lix qof oo uu hoggaaminayey wakiil ka socday Xarunta Wayn ee Guddiga Midowga Afrika ee Addis Ababa iyadoo ay xubnaha ka mid ahaayeen wakillo ka kala socdey AMISOM iyo Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya (DFS), ay xaqijiyeen, in maalintii dhacdadu dhacday, ay ciidanka AMISOM ay dhab ahaan ku wajaheen dagaalyahannada Al-Shabaab goobta uu shilku ka dhacay, iyada oo ay xigtay is rasaasayn, isla markaana Dagaalka ay ku dhinteen hal askari oo AMISOM ah, mid kalena dhaawac uu soo gaaray.

“Sidaa darteed, AMISOM waxa ay qaadanaysaa mas’uuliyad buuxda ee falkan xun ee ciidankeeda, waxayna la xisaabtami doontaa ciidankii falka geystay si loo xaqiijiyo in caddaaladda loo adeego, sida ay ku taliyeen Guddiga Baarista, iyadoo la raacayo hannaanka saxda ah, ayey Dowladda Jamhuuriyadda Uganda, Dal ka mid ah kuwa Ciidankan Ku tabarrucay ahaan, ayna ka soo jeedaan cidanka falka geystay, waxay sameysay Maxkamad Ciidan si loo maxkamadeeyo ciidanka gefka geystay” ayaa lagu yiri War-saxaafadeedka

Maxkamadda Ciidanku waxay ka fariisan doontaa oo ay dacwadda ku qaadi doontaa gudaha Soomaaliya ayaa sidoo kale lagu yiri Warka kasoo baxay AMISOM.

Sidoo kale waxaa AMISOM ay sheegtay” Waxaa la saadaalinayaa in, iyada oo la raacayo waajibaadkeeda ku xusan Heshiiskii Isfahamka ee ay la saxiixdeen Midowga Afrika, in Dawladda Uganda ay la xiriiri doonto qoysaska murugaysan si ay ugala hadlaan sidii loo magdhabi lahaa dadkii la dilay.

Ugu dambeyn AMISOM ayaa sheegtay si qoto dheer uga go’an tahay nabadda iyo amniga Soomaaliya iyo ilaalinta dadka deegaanka oo qayb ka ah waajibaadkeeda asaasiga ah. Sidaas awgeedna  hoggaanka Hawlgalku uu sii wadi doono inuu hubiyo u hoggaansanaanta adag ee waajibaadkiisa sida waafaqsan Sharciga Bani’aadamnimada Caalamiga ah.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

DEG DEG: Sacuudiga oo ku dhawaaqey iney beri tahay Maalinta 1aad ee ciidul Fitriga

Caydiid Ali

Daawo:-Jidka mara Madaxtooyada oo dhib laga soo sheegay & Awooda Golaha Shacabka oo lala wareegay !!

admin

Rag baaskiil kaga soo baxay Faransiiska oo ku wajahan Sacuudiga si ay usoo xajiyaan

Cabdi Cade