Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad shuruud lala yaabay ku xirtay lamaanaha doonaya iney isguursadaan

Guddoomiyaha Jasiirada Jawa ee dalka Indonesia ayaa ku soo rogay dhammaan dadka guurdoonka ah ee Jawa ku nool inaan la siin doonin rukhsadda ogolaanshaha Guurka ilaa labada qof ee is guursanayaa ay soo dilaan min 25 Dooli.

Sidoo kale waxaa shardi ah inay maamulka hor keenaan 25ka dooli ee ay dileen.

Jasiiradda Jawa  ee dalka Indonesia waxa aad ugu batay Dooliga ama Jiirka, kaasoo dhamaan dalagyadii beeraha Jasiirada ka baxayey waxyeelo weyn gaarsiiyey, hoos u dhac weyna ku keenay dalaga ugu badan ee Bariiska.

Markii ay aad u badatay cabashada beeralayda Jasiiraddu ayaa la soo saaray sharci lagu sheegay in lagula dagaalamayo Dooliga balse dhinaca kale caqabad ku noqday Guurdoonka

Guurka Jasiiradda Java sharci ahaan wuxuu wakhtigan ku xiran yahay tirada Dooliga ay soo dilaan labada qof ee doonaya inay is guursadaan inay gaarto cadadka rukhsadda Guurka lagu qaato oo dhan 25 Dooli

.Vania iyo Abi Dawr oo ah lamaane guurdoon ah ayaa dhowr jeer loo diiday in la siiyo Rukhsada guurka kadib markii ay keeni waayeen cadeynta inay dileen 25 Dooli taasoo ka dhigan inay aanay buuxin shuruudihii hase ahaatee ugu dambayn sanadkan ayay aqal galeen markii ay keeneen madaxyada min 25 Jiir oo ay dileen.

Masuuliyiinta Jasiirada Jawa ayaa sheegay in shuruuda guurka la sii kordhinayo oo laga dhigi doono inay dadka is calmaday soo dilaan 300 oo Dooli haddii ay sii jirto dhibaatada Dooligu ku hayo Beeraleyda.

Related posts

C/wali Gaas oo Madaxda dowlad goboleedyada iskugu yeeray shir deg deg ah (Akhriso)

Caydiid Ali

Ciidamo Itoobiyaan ah oo laga sagootiyey Magaalada Kismaayo (Daawo Sawirro)

Caydiid Ali

Hoggaamiyaha kooxda Taliban oo u digay Maraykanka ka dib heshiiskii Doha

Caydiid Ali