Milatariga Itoobiya oo sugaya Amar ay mar kale ku weeraraan magaalada Makalle

Taliska ciidamada milatariga dowlada Itoobiya ayaa sheegay in kaliya sugayaan amar uga yimaada madaxda sare ee dowlada si ay mar kale guluf colaadeed ugu qaadaan magaalada Makalle iyo magaalooyin kale ay la wareegeen jabhada TPLF.

Taliyaha guud ee ciidamada dalka Itoobiya, Birhanu Jula , ayaa sheegay in ciidamada milatariga Itoobiya heegan ku jiraan una diyaarsan yihiin in mar kale howlgalo ka fuliyaan gobolka Tigrey balse sugayaan amar kasoo baxa madaxda ka sareysa.

Birhanu Jula , ayaa sheegay in kooxda TPLF aysan xushmeyn heshiiska xabad joojinta, waxa uuna mar kale ugu baaqay in ay joojiyaan dagaalka ayna xushmeeyaan xabad joojinta si gar gaar loo gaarsiiyo dadka baahan.

Ciidamada taabacsan jabhada TPLF ayaa wada howlgalo balaaran oo ka dhan ah ciidamada federaalka Itoobiya, waxa ayna kooxdan dib ula wareegeen maalmihii lasoo dhaafay deegaano iyo magaalooyin horey looga saaray.

Raisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa horey u sheegay in ay awoodaan in mar kale dib ula wareegaan magaalada Makelle, waxa ayna hada dowlada wadaan ciidamo aruursi si ay mar kale guluf ugu qaadaan magaalada Makalle iyo magaalooyin kale oo laga qabsaday.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -