Allbanaadir.com
NEWS

Dowlada Mareykanka oo baaq u dirtay Madaxda Soomaalida xili uu khilaaf xun jiro

Dowlada Mareykanka ayaa ka hadashay doorashada Soomaaliya ee abuurtay khilaafka iyo dib u dhaca, waxa ayna dowlada Mareykanka taageero u muujisay shirka gollaha Wadatashiga Qaran ee Muqdisho ka dhacaya.

Afhayeenka wasaarada arrimaha dibbada dowlada Maraykanka Ned Price, ayaa sheegay in xukuumadad Washigton ka walaacsan tahay dib u dhaca doorashada iyo fashilka marar badan ku yimid habraaca doorashada.

Ned Price, ayaa ugu baaqay madaxda Soomaaliyeed in si deg deg ah loo soo gabagabeeyo doorashada xildhibaanada golaha shacabka iyo tan Madaxweynaha, waxa uu sidoo kale ku baaqay in doorashada noqoto mid daah furan oo lagu kalsoonaan karo.

Baaqan kasoo yeeray dowlada Mareykanka ayaa kusoo aadaya xili khilaaf meeshii ugu xumeyd gaaray uu ka dhaxeeyo Madaxweynaha Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble, waxaana khilaafkan ka dhashay hanaanka doorashada ku soconeyso.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

https://youtu.be/8UAImsqir0M

Related posts

Daawo Sawirada: Jubbaland oo lagu wareejiyay lacag loogu tala galay in lagu caawiyo…

Cabdi Cade

Qaar ka mid ah Xildhibaanadii lagu doortay Ceelwaaq oo Shahaado qaatay (Sawirro)

Caydiid Ali

(Sawirro) Ciidanka Xoogga dalka oo ka hor tagay gaari qaraxyo laga soo buuxiyey

Caydiid Ali
Taboola Ads ---