Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Dowlad ka tirsan Yurub oo aqbashay in dalkeeda lagu galo baasaboorka Somalia

Dowladda Serbia ayaa ka mid noqotay waddamadda reer Yurub ee lagu tegi karo Baasaboorka Soomaaliya.

Dowladaha Soomaaliya iyo Serbia ayaa horay u lahaa xiriir dheer, arrintan ayaa imaanaysa ka dib markii dadaal dheer ay sameeyeen Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya ay Dowlado badan ogolaadeen in Baasaboorka Soomaaliya lagu geli karo dalalkooda.

Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Belgrade Serbia ayaa si rasmi ah u gudbisay Muunadda saxda ah ee Baasaboorka Soomaaliya.

Kaaliyaha Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dhinaca Qunsuliyadaha Marwo. Vera Vukićević oo ay weheliso Ku-xigeenkeeda Marwo Mirjana Živković ayaa Safaaradda ka Gudoomiye Muunadda saxda ah Baasaboorka Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya sedaxdiisa nooc.

Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federalka ah ee Soomaaliya waxaa ay u mahad celinaysaa Safaaradda Jamhuuriyadda Federaalka ah Soomaaliya ee Belgrade iyo Diplomaasiyiinta howshan fududeeyay.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Farmaajo oo Casho sharaf u sameeyay Diblumaasiyiin shisheeye (Sawirro)

Cabdi Cade

Wasiiradii uu magacaabay Xamse intooda badan oo xilalka loo dhaariyey (Sawirro)

Caydiid Ali

Qarax weyn oo ka dhacay degaanka Dhoobley iyo faahfaahino ka soo baxaya

Caydiid Ali
Taboola Ads ---