Maamulka Jubbaland oo ku kala qeybsamay taageerida Wasiirada uu Magacaabay RW Xamse

Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland ayaa ku kala qeybsamay mowqifka laga qaadanayo xukuumada cusub ee uu magacaabay Ra’iisul Wasaare Xamse Cabdi Barre.

Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa ka soo horjeestay xukuumada cusub, isagoo sheegay inaan loo marin hanaanka awood qeybsiga beelaha ee 4.5 oo inta badan lagu saleeyo magacaabista xilalka dowlada.

Maxamuud Sayid Aadan ayaa hadalkan ku sheegay qoraal ay wadajir u soo saareen isaga iyo dhigiisa Galmudug Cali Daahir Ciid oo saluugsanaa xilalka beesha Sadde kaga soo aaday xukuumada cusub.

Hase ahaatee Madaxweyne ku-xigeenka labaad ee Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud ayaa sheegay in Jubbaland ay taageersan tahay xukuumadda cusub, isla markaana ay ku boorrineyso Baarlamaanka inuu ansixiyo.

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Madoobe oo ku maqan magaalada Nairobi ayaala fahamsan yahay inuu si buuxda u taageersan yahay Xukuumada cusub

- Advertisement -