Shirkada Facebook oo Khasaaro badan kala kulantay Ciladii xalay ku timid !

Adeegyada aaladaha baraha bulshada ee dadku ku wada xiriiraan ee Facebook, WhatsApp iyo Instagram ayaa dib hawada ugu soo laabtay kadib markii uu hawada ka maqnaa ku dhawaad ā€‹ā€‹6 saacadood,sida ay shirkadu sheegtay.

Shirkadda ayaa sheegtay in sababta ay ahayd cillad ku timid hannaanka ay shirkadahani u shaqeeyaan.

Dhammaan saddexdan aalad ee baraha bulshada ayaa waxaa iska leh shirkadda Facebook.

waa muddadii ugu dheereyd ee barahani buslahada ay hawada ka maqnadaan sida ay shirkadu sheegtay.

Dad tiradoodu ay gaarayso 10.6 milyan oo ku kala sugan guud ahaan caalamka ayaa soo sheegay in ay dhibaatadani saameysay.

Shirkadahani ayuu adeegooda hawada ka baxay qiyaastii abaaro xalay fiidkii xilliga geeska Afrika.

Bayaan ay soo saartay shirkadda Facebook ayaa lagu sheegay inaysan jirin “wax caddeyn ah oo muujinaya in xogta dadka isticmaala barahani galaagal lagu yeeshay intii ay cilladani jirtay”.

Isniintii, Facebook ayaa barteeda twitter -ka ku soo qortay raaligelinteeda ku aaddan dadka ay saameysay intii adeegyadani hawada ka maqnaayeen.

In muddadaasi dheer ay barahani bulshada hawada ka maqnaadaan ayaa ah wax dhif iyo naadir ah.

Khubarada falanqeeya arrimahani ayaa sheegay in carqaladda ku timid facebook iyo shirkadaha kale ee ay bahwadaagta yihiin uu ka dhashay khasaaro xooggan oo soo gaaray shirkadahan.

Khubarada ayaa sheegtay in saacad walba lacag dhan nus malyuun doolar oo xayiisiin ah ay khasaarayeen shirakadahani.

Saamiga shirkadda facebook ayaa hoos u dhacay 5% suuqa saamiyada magaalada New York.

Cilladdan ku timid adeegyada barahan bulshada ayaa waxaa uu saaameyn ku yeshay 3 bilyan iyo bar ah dadka isticmaala.

Arrintan ayaa imaanaysa maalin uun kadib wareysi lala yeeshay mid ka mdi ah shaqaalihii hore ee Facebook oo soo dusiyey dukumentiyo ku saabsan shirkadda.

Frances Haugen ayaa u sheegay CBS news Axaddii in shirkaddu ay mudnaanta koowaad siisay “kobcinta dhaqaalaha taa badalkeedana ay dayacday badqabka iyo amniga shirkadda”.

Source-BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -