Guddiga doorashooyinka xubnaha Gobolada Waqooyi oo War cusub soo saaray

Guddiga doorashooyinka Gobolada Waqooyi ee (Somaliland) ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay bilaabi doonaan doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee ka soo jeeda.

Talaabadan ayaa timid kadib kulan uu maanta Ra’iisul Wasaare Rooble la yeeshay guddiyada doorashooyinka Heer Federaal, iyo guddiga gaarka ah ee Somaliland.

Guddoomiyaha ayaa intaa ku darey in la isla qaatay in labo toddobaad ee inagu soo fool leh doorashooyinka si wanaagsan, oo hufan ay u bilowdaan.

Waxaa kaloo la isla gartey in goobtii doorashada loo asteeyey la soo indha indheeyo, Odayaashii iyo ergadii wax soo xuli laheydna la dadejiyo, iyo in kuraasta ugu horeysa doorashadooda ay qabsoomi doonaan labada isbuuc gudahood.

Guddoomiyaha Guddiga maamulka doorashooyinka Gobolada ee Waqooyi, ayaa carabka ku dhuftey iney balan qaadayaan in doorashada waqtigeeda aysan dib uga dhici doonin.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

- Advertisement -