Deni iyo Madax kale oo maanta ku soo wajahan Muqdisho iyo arrimo ku soo kordhay Shirka beri

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta oo Jimce ah ku soo wajahan magaalada Muqdisho.

Deni ayaa Muqdisho kaga qayb-gelayaa shir ku saabsan dardar gelinta arrimaha doorashada Soomaaliya, kaasoo dhexmaraya madaxda dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.

Shirka ayaa waxaa ka qayb-galaya Ra’iisul wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, madaxda shanta dowlad goboleed iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

Shirka ayaa sida qorshuhu yahay waxaa uu dhici doonaa maalinta beri ah, inkastoo ay jiraan warar sheegaya in laga yaabo dib ku yimaada illaa Khamiista.

Warar kale ayaa sheegaya in qaar ka mid ah qodobadii lagu heshiiyey shirkii 27 May, laga yaabo in wax laga badalo tirada ergada dooraneyso Xildhibaanada oo hadda ah 101, sidoo kale  qodobada in wax laga badalo laga yaabo waxaa ka mid ah goobaha la dhigayo kuraasta oo horey loo heshiiyey laba goob in laga dhigo, waxaana qodobkan si gaar ah u daneynaya madaxda Jubbaland iyo Hirshabelle.

Sidoo kale, waxaa lagu wadaa in maanta madaxda qaar ay soo gaaraan magaalada Muqdisho, waxaana ka mid ah madaxda kale ee maanta la sugayo madaxweyneyaasha Koofur Galbeed Hirshabelle, iyo Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -