Ahlu Sunna oo ka baxday Deegaan Muhiim ah iyo Ciidamada dowlada oo la wareegay

Ciidamada dowlada federaalka Soomaaliya iyo kuwa dowlad goboleedka Galmudug ayaa dagaal la’aan kula wareegay deegaanka Ceeldheere oo qiyaastii 30-km u jira magaalada Dhuusomareeb ee caasimada Galmudug.

Deegaanka Ceeldheere oo ahaa oo deegaan istaraatiiji ah  una dhaxeeya magaalooyinka Dhuusomareeb iyo Guriceel ayaa maalmo kahor waxaa la wareegay ciidamo daacad u ah kooxda Ahlu Sunna, deegaanka ayaana muhiimad gaar ah u u leh kooxdii qabsata .

Sida aan wararka ku helnay ciidamada dowlada iyo kuwa maamulka Galmudug ayaa la wareegay fariisimihii ay ka baxeen ciidamada Ahlu Sunna ee kuyaalay gudaha iyo banaanka deegaanka Ceeldheere.

Ciidamada huwanta ah ayaa wada dhaq dhaqaaqyo ciidan ay ku doonayaan in ay kula wareegaan magaalada Guriceel ay la wareegeen xoogag taabacsan kooxda Ahlu Sunna oo horey looga saaray deegaanada Galmudug.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -