Nin Reer Afganistan ah oo hadda ka hor Khatar ka badbaadiyay Joe Biden oo loo abaal guday

Sanadkii 2008-dii, baraf dabeylo xoog badan wata ayaa sababay in diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah oo ay saarnaayeen Mr Biden iyo xildhibaanno kale oo Mareykan ah inay si khasab ah ugu degto meel buuraleey ah, halkaasoo ay halis ugu jireen in lagu weeraro.

Aman Khalili ayaa markaas ka mid ahaa shaqaalaha reer Afghanistan ee u shaqaynayay dowladda Mareykanka, ayaa durbadiiba kooxda xildhibaannada ah ee uu Biden ku jiray u kaxeeyay meel amni ah oo ay ku badgalaan.

Tan iyo bishii August ee sanadkan, waxa uu codsanayay in laga caawiyo caqabado ka heystay dhinaca dal ku galka si uu uga soo tago Afghanistan.

Hadda waxa uu ku biiray kumannaan reer Afghanistan ah oo kasoo qaxay dalkaas iyagoo diiddan inay ku hoos noolaadaan maamulka kooxda Taliban ee la wareegtay xukunka.

Maalintii Isniinta, ayuu wakiil ka tirsan Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Mareykanka u sheegay BBC-da in Mr Khalili iyo qoyskiisa “ay si nabad ah uga soo duuleen Afghanistan kaddibna ay safar kale uga soo ambabaxeen Pakistan”.

“Sidaas waxa ay ugu suurtagashay caawinaad heer sare ah oo ay si gaar ah uga heleen dowladda Mareykanka, waana u mahad celineynaa dadka kale ee soo caawiyay inta uu waddada kusoo jiray.”

Khalili waxaa arrintan u sahlay nasiibkii uu saddex iyo toban sano ka hor u yeeshay inuu la kulmo ninka mustaqbalka noqon doona madaxweynaha Mareykanka – oo ay sidoo kale wehlinayeen senatarrada kala ah Chuck Hagel iyo John Kerry.

Waxaa la siiyay dal ku galka Mareykanka ee khaaska ah oo ah nooca loo yaqaanno (SIV) waxa uuna deg deg uga soo dhoofay dalka Afghanistan.

Markii ay ciidamada Mareykanka si lama filaan ah uga soo baxeen Afghanistan, islamarkiina ay xaaladda faraha ka baxday, Mr Khalili waxa uu codsi u dirsaday Mr Biden si uu markiisa u badbaadiyo isaga, xaaskiisa iyo shan carruur ah oo uu dhalay.

“Waan ku kalsoonahay. Waan aaminsanahay inuu sameyn karo wax walba,” ayuu yiri isagoo la hadlayay telefishinka CNN ee laga leeyahay Mareykanka.

Madaxa warbaahinta ee Aqalka Cad, Jen Psaki ayaa mar bishii September wax laga weydiiyay xaaladda uu ku sugan yahay Mr Khalili tiri: “Waxaan uga mahad celinayaa sida uu u badbaadiyay qaar ka mid ah dadka aan jeclahay xilli ay dhibaato kala kulmeen baraf iyo dabeylo, waxaa kale oo aan uga mahad celinayaa guud ahaan shaqada uu soo qabtay.

Mareykanka ayaa horay u sheegay inay ka go’an tahay soo badbaadinta dadka ay saaxiibbada ku ahaayeen Afghanistan.

Hay’adda “Human First Coalition”, oo gacan ka geysaneysa caawinta in ka badan 200 oo reer Afghanistan ah oo ku sugan Pakistan, ayaa BBC-da u sheegtay in ay “aad ugu mahad celinayaan” saraakiisha Mareykanka iyo kuwa Pakistan ee ka caawinaya “dadaalkooda ku aaddan in ay soo badbaadiyaan turjumaankii madaxweyne Biden iyo qoyskiisaba”.

Dal ku galka khaaska ah ee SUV waxaa loogu talogalay dadka u dhashay dalalka Afghanistan iyo Ciraaq ee lasoo shaqeeyay militariga Mareykanka, xilliyadii ay ku kala sugnaayeen labadaas waddan ee ay kasoo dagaallameen.

Wali si toos ah uma cadda in Mr Khalili uu gacanta ku dhigay fiisadaas iyo inuu u safrayo Mareykanka toona. Balse Maraykanka ayaa xaqiijiyay in ay dib u dejin siinayaan ninkani iyo qoyskiisa.

Source-BBC

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -