Allbanaadir.com
NEWS

Farmaajo oo lagu eedeeyay in uu ku lug leeyahay dagaalka ka socda Magaalada Laascaanood

Maamulka Somaliland ayaa ku eedeesay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo in uu ku lug leeyahay dagaalka ka socda magaalada Laascaanood ee u dhaxeeya ciidamada Somaliland iyo kuwa deegaanka Laascaanood.

Wasiirka gaashaandhigga ee Somaliland Cabdiqani Maxamuud Caateeye ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku eedeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Farmaajo in uu ku lug leeyahay dagaalka Laascaanood ayna dagaalamaan ciidamo uu tababar u diray.

“Qorshaha lagu khal-khal gelinayo xasiloonida Somaliland ayaa soo socday muddo sanado ah, iyadoo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Farmaajo, uu ciidamo  u diray dalalka Ereteriya iyo Turkiga, si ay tababar ugu soo qaataan, ujeedkooduna ahaa in ay la dagaalamaan Somaliland. Hubkii loogu deeqay Soomaaliya ayaa sida oo kale lagula dagaallamey Somaliland.” ayaa

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Farmaajo ayaana ka jawaabin eedeyntan kasoo yeertay maamulka Somaliland, waxa ayna horey maamulka sidaan oo kale u eedeeyeen dowladda Soomaaliya iyo maamulka Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Xasuus Qaran Oo Loo Samaynayo dadkii Soomaaliyeed Ee Lagu Dilay Weerarkii Soobe

Cabdi Cade

Ciidamo ka tirsan dowlada oo dil fool xun ka geystay Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali

23 ka tirsan Ciidankii loo xilsaaray howlgalada Muqdisho oo xabsiga loo taxaabay

Caydiid Ali
Taboola Ads ---