Muxuu Aadan Madoobe kala hadlay Ambasador. Dr. Abdalla bin Salim Alnuimi? (Sawirro)

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee BFS Shiikh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay danjiraha cusub ee Dawladda Qatar u fadhiya dalka Soomaaliya Ambasador. Dr. Abdalla bin Salim Alnuimi.

Kulanka Safiirka iyo Guddoomiyaha Golaha Shacabka ayaa ahaa mid ku saabsan isbarasho iyo kala warqaadasho, waxaana kulanka looga hadlay xiriirka iyo wadashaqeynta labada baarlamaan ee Soomaaliya iyo Qatar, iyo sidii dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar ay kaalin uga qaadan laheyd tayaynta Golaha Shacabka BJFS.

Guddoomiyaha ayaa xusay in dowladda iyo shacabka Qatar ay kaalin weyn ka soo qaateen dib u soo kabashada dalka, iyadoo wadanka ay ka fuliyeen mashaariic horumarineed oo wax ku ool ah.

Sidoo kale, Guddoomiyaha ayaa kulan la qaatay Ku-xigeenka Ergeyga Gaarka ah ee Xafiiska Qaramada Midoobay u Qaabilsan Kaalmaynta Soomaaliya Marwo Anita Kiki Gbeho.

Kulanka oo looga hadlay dib u heshiisiintii lagu soo gabagabeeyay magaalada Baydhabo oo uu Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS garwadeenka ka ahaa ayay Marwo Anita Kiki Guddoomiyaha ku ammaantay doorkii muhiimka ahaa iyo daadihinta shirka ayay sheegtay in UNSOM ay ka go’an tahay kaalmo kasta oo ku aaddan dib u heshiisiinta dalka, taageerida Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka iyo sidii loo dhisi lahaa aqoonta iyo xirfada shaqaalaha iyo mudaneyaasha Golaha Shacabka BJFS.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka BJFS oo Marwo Anita Kiki Gbeho uga mahadceliyay ayaa xusay sida UNSOM ay qeyb uga qaadatay taageerida shirkii dib u heshiisinta Koonfur Galbeed oo guul ku soo dhaamaday ayuu ku boggaadiyay dadaalada beesha caalamka ay ku dooneyso hanaaanka geedi socodka nabada iyo xasiloonida dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -