Allbanaadir.com
NEWS

Raisul Wasaare Rooble oo caawa gaaray Magaalada Doha ee dalka Qatar (Sawirro)

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Faderaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa si diiran loogu soo dhaweeyay magaalada Doxa ee dalka Qatar.

Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa Doxa ku soo dhaweeyay madax ka tirsan Dowladda Qatar, waxaana Ra’iisul Wasaare Rooble socdaalkiisa uu ka dambeeyay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhigiisa Dalka Qatar.

Ra’iisul Wasaaraha Dalka aya lagu wadaa in maalinta berito ah uu kulamo la qaato Madaxda dowladda Qatar, oo ay ka wada hadli doonaan xoojinta xiriirka saaxiibtinimo ee labada dal, arrimaha doorashooyinka ee Soomaaliya iyo horumarka kale ee ay ku talaabsatay dowladda Soomaaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Ruushka oo hubeenaya ururka Xisbullaah iyo Israa’iil oo walaac lasoo darsay

Cabdi Cade

Xildhibaan Jeesow oo si ka duwan sidii looga bartay uga hadlay Kiiska Dilka Ikran Tahliil

Cabdi Cade

Madaale oo Lacago baad ah ka raba Shirkado Qandaraasyo la siiyay iyo Dacwad laga gudbiyay

Cabdi Cade
Taboola Ads ---