Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

(Sawirro) Madaxweyne Farmaajo oo khudbad ka jeediyey caleemo saarka RW Abiy Ahmed

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wefdi uu hoggaaminayo oo ka qayb galay Munaasabadda caleemo-saarka Xukuumadda Cusub ee Itoobiya ayaa Shacabka, Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumadda cusub ee Dowladda Itoobiya ugu hambalyeeyey Doorashooyinkii guulaystay ee ka dhacay Dalkooda.

Farmaajo oo khudbad ka jeediyey munaasabadaas ayaa RW Abiy Ahmed ku amaanay horumarka uu gaarsiiyey dalkiisa mudadii uu xilka hayey.

“Dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed waxay u hambalyeynayaan Ra’iisal Wasaare Abiy Axmed guushii baaxadda lahayd ee uu ka gaaray doorashada, waxaanna u rajaynaynaa  Ra’iisul Wasaaraha iyo Xukuumaddiisu in ay  horumar gaarsiiyaan shacabkooda iyo dowladdooda.”

Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa shacabka iyo dowladda Itoobiya uga mahad celiyey soo dhoweynta diirran ee ay u sameeyeen isaga iyo wefdigiisa, taas oo ka tarjumaysa xiriirka saaxiibtinnimo ee ka dhexeeya Labada Dal.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

 

Related posts

Madaxweyne Farmaajo & ku dhowaad 100 Xildhibaan oo kulan xasaasi ah ku leh Villa Somalia

Caydiid Ali

Muxuu salka ku hayaa go’aanka qalafsan ee Kenya ka qaadatay xiriirka Somalia(Daawo Muuqaal)

admin

Qarax dhimasho & dhaawac geystay oo caawa ka dhacay Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---