Xildhibaan Jeesow oo si ka duwan sidii looga bartay uga hadlay Kiiska Dilka Ikran Tahliil

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo katirsan Xildhibaanada ku heybta ah Ikraan Tahliil Faarax oo afduub iyo dil loo geestay ayaa kiiskan uga hadlay si ka duwan sidii uu mudooyinkii lasoo dhaafay uga hadlayay.

Wareysi uu bixiyay Daahir Jeesow ayuu ku sheegay in aysan ku qanacsaneyn warka kasoo baxay Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka ee ku aadan in Al Shabaab ka dambeeyeen afduubka Ikraan sidoo kale dileen.

“Warqaddii NISA kasoo baxday bulshada waa ku qanci weyday, aniga iyo qoyskeedana kuma qancin, 65 maalmood aan NISA ka sugeynay waxay noqotay Shabaab ayaa dilay, kuma qanceyno Shabaab ayaa dilay, Shabaabkiina waa soo hadleen, iyagii ayaa qaadan waayey in la yiraahdo Shabaab ayaa dilay, Hay’adda NISA dib ha isugu noqoto, warcadna hasoo saarto iyo wax lagu qanci karo, mana garaneyno cidda gacanta ku heyso kiiskaan” ayuu yiri Daahir Jeesow.

Xildhibaan Jeesow ayaa sheegay in NISA aysan ka baryeen in kiiskan cadeeyaan meelna ku sheegaan Ikraan Tahliil, waxa uuna ugu baaqay in hadal ka duwan kii horey u sheegeen in ay la yimaadaan runtana soo bandhigaan.

Waxa uu sheegay Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow in kiiskan Ikraan Tahliil loo saaray guddiyo baaris ku sameeya, waxa uuna nasiib daro ku tilmaamay iyada oon baarista dhamaan in Hay’adad NISA kahor dhacday ayna sheegeen in la dilay Ikraan.

Xildhibaan Daahir Amiin Jeesow oo kamid ahaa xildhibaanada aadka ugu dhaw Madaxweyne Farmaajo ayaa mudooyinkii dambe si dadban uga hadlay kiiska Ikraan, hasa ahaatee waxa uu hada kiiskan dilka ku tuhmayaa  Hay’adad NISA in ay ku lug leedahay.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -