Senataradii ugu dambeeyey ee Hirshabelle oo Magaalada Jowhar lagu doortay

Magaalada Jowhar waxaa lagu soo gabagabeeyay doorashada laba kursi oo ka harsaneyd sideeda kursi ee Hirshabeelle ku metelaya Aqalka sare Baarlamaanka DF.

Kursiga hore waxaa ku tartamay musharaxiinta kala ahaa Cali Shacbaan Ibraahin, C/qaadir Xanafi Sheekh Bashiir iyo Cabdalla Cabdi Xuseen waxaana wareega labaad u soo gudbay musharaxiinta kala ah Cali Shacbaan Ibraahin iyo Cabdiqaadir Xanafi.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in doorashadaa kursigan uu ku guuleystay Cali Shacbaan oo helay 62 cod, halka Xanafi uu ka helay 24 cod oo kaliya.

Doorashada Kursiga labaad waxaa ku tartamay laba haween ah oo kala ahaa Naciimo Ibraahin oo kursigaas ku fadhiday afartii sano ee tagtay iyo Samsam Cabdullaahi

Waxaa ku guuleystay doorashada Samsam Cabdullaahi oo heshay 77 cod, halka Naciimo Ibraahin oo markan nasiibku ka hiiliyey ay heshay 8 cod oo kaliya.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -