Allbanaadir.com
MUQDISHONEWS

Guddiga amniga Laascaanood oo ka soo horjeestay raafka ka socda magaalada

Guddiga amniga ee Magaalada Laascaanood, ayaa sheegay iney ka xun yihiin dadka dhawaan laga tarxiiley magaalada Laascaanood ee gobolka Sool.

Guddiga oo la hadlay warbaahinta qaar ayaa intaa ku darey inaanan lagala tashanin masaafurinta dadkii la dhoofiyey oo badankood la sheegay iney kasoo jeedaan deegaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya.

Caaqil Ismaaciil Cali Axmed, oo ah guddoomiyaha guddiga amniga, ayaa carabka ku dhuftey in gobolka Sool ee magaalada Laascaanood, ay Soomaali oo dhan ku nooshahay oo aaney jirin Soomaali Soomaali ka xigta.

Caaqilka ayaa sidoo kale xusay in ciidamada Somaliland ay baabuurta dadka lagu daabulayey ku saartey dadkii ay tarxiishay qori caaraddiis.

Maamulka Somaliland ayaa difaacay talaabada dadka ka soo jeeda Koonfurta Somalia looga tarxiilayo magaalada Laascaanood, iyagoo ku eedeynaya falal amni daro.

Waxaa isa soo taraya tirada dadka laga masaafurinayo magaalada Laascaanood, iyadoo kuwii uggu danbeeyey ay gaareen deegaanka Xarfo, oo u dhaxeeya deegaanka Burtinle iyo magaalada Gaalkacyo ee Puntland.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Madaxweyne Laftagareen oo sameeyay Xil ka qaadistii iyo Magacaabistii ugu horeesay

Cabdi Cade

Qarax Khasaaro geestay oo saakay ka dhacay Muqdisho iyo Faah faahino kasoo baxaya

Cabdi Cade

Nin Maamule ka ahaa Iskuul oo caawa lagu qaarajiyey Magaalada Muqdisho

Caydiid Ali
Taboola Ads ---