Allbanaadir.com
HIRSHABELLENEWS

Doorashada xubnaha ka dhiman Aqalka sare oo ka bilaabatay Magaalada Jowhar

Magaalada Jowhar waxaa ka bilaabatay galabta doorashada labada Kursi ee ka harsanaa 8-da kursi ee dowlad Goboleedka Hirshabelle ku metelaya aqalka sare.

Doorashada Kursiga hore waxaa ku tartamaya saddex Musharax  oo kala ah

1-C/qaadir Xanafi.
2-Cali Shacbaan iyo
3-Cabdalla Cabdi Xuseen.

Doorashada kursigan oo horey loo qabtay ayaa la joojiyey markii buuq iyo fowdo uu hareeyay, markii wareegga koowaad ee codeynta ay soo dhamaaday.

Cali Shacbaan ayaa la filayaa inuu soo baxo oo kursigan loo doortay, waxaana wata Madaxweyne Ku-xigeenka oo dadaal ballaaran ugu jiray inuu soo saaro.

Waxaa xigi doonta doorashada Kursiga labaad oo Haween kaliya ay ku tartamayaan, waxaana ku loolamaya Naciimo Ibraahim Yuusuf oo horay kursiga ugu fadhisay iyo Zamzam C/llaahi Axmed oo la sheegay inuu wato Guddoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, Zamzam ayaana loo badinayaa iney ku soo baxdo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

Related posts

Mareykanka iyo Maamulka Taliban oo isdhaafsay Maxaabiis u kala xirnaa (Sawirro)

Caydiid Ali

Yaa dambeeya Siyaasada guracan ee boobka doorashada ka socota Somalia?

Caydiid Ali

Daawo: Cumar Filish oo dhaliil adag u jeediyey Axmed Madoobe & Saciid Deni

Caydiid Ali
Taboola Ads ---