Dhalinyaro Funaanad ay xirteen darteed loogu xiray magaalada Jowhar

Wararka ka imaanaya magaalada Jowhar ee caasimada maamulka Hirshabelle ayaa sheegaya in ciidamada amaanka magaaladaasi ku xireen dhalinyaro la sheegay in taageero u muujiyeen maamul lagu magacaabo Hiiraan State.

Booliiska Jowhar ayaana xiray afar wiil oo dhalinyaro ah oo qaarkood si weyn looga yaqaan magaalada Jowhar, dhalinyaradan ayaana sababta loo xiray lagu sheegay in ay diyaariyeen funaanad lagu buufiyay calanka Hiiraan State.

Sida aan wararka ku helnay mid kamid ah dhalinyaradan ayaa la sheegay in funaanada xirtay halka kuwa kalana lagu eedeeyay in funaanadan wax ka ogaayeen, waxaana dhalinyaradan lagu eedeeyay in ay kasoo horjeedaan maamulka Hirshabelle.

Dhalinyaradan lagu xir xiray magaalada Jowhar ee caasimada Hirshabelle ayaa magacyadooda lagu kala sheegay Qadar Muuse Gurey, Maxamed Cabdi Seedow, Ibraahim Xuseen Baafo iyo Marwaan Xuseen.

Xariga dhalinyaradan ayaana si weyn looga hadal hayaa magaalada Jowhar, waxaana xarigan imaanayaa xili khilaaf ka dhashay doorashada Aqalka Sare uu soo kala dhax galay Madaxweynaha Hirshabelle iyo kuxigeenkiisa.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -