Dayuurad gaar ah oo Muqdisho ka qaaday dad ka badan 150 qurbajoog Soomaali ah (Sawirro)

Dayuurad gaar ah ayaa caawa maqribkii garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka qaaday 153 qof oo ah Soomaali qurbajoog ah oo ku xayirmey Magaalada kadib markii la joojiyey inta badan duulamaadyadii dunida, sababo la xiriira xanuunka Coronavirus.

Dadkan ayaa ah Soomaali heysta dhalashada dalalka Mareykanka, Canada iyo Britain, waxaana ka mid ah dadka la qaaday Masuuliyiin iyo xildhibaano ka tirsan dowlada Soomaaliya iyo qaar ka mid ah shaqaalaha Hay’adaha Dawladda Federaalka.

Safaarada Mareykanka oo iyadu markii hore diyaarisey duulimaadkan ayaa dooneysey inay muwaadiniinteeda ku geyso dalka Mareykanka hase ahaatee waxaa markii dambe ku biiray safaaradaha Britain iyo Canada.

Diyaarada Ethiopian Airlines ayaa caawa maqribkii ka duushay Muqdisho waxaana ay dadkan geyn doontaa magaalada Addis Ababa halkaasoo oo ay ka dibna ka raaci doonaan duulimaadyo tagaya magaalooyinka Washington DC, London iyo Toronto.

Soomaalida qurbe-joogta ah ayaa muddo 14 maalmood ah oo karaantiil ah la marin doonaa ama laga dalban doono inay is-karantiilaan, marka ay ku laabtan dalalkoodii.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -