Allbanaadir.com
NEWS

Madaxweyne Deni oo Casho loo sameeyay una Mahadceliyay Imaaraadka (Sawirro)

Madaxweynaha  Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa ka qeybgalay kulan Casho ah oo Hay’adda Dekadaha, Cashuuraha iyo Ganacsiga xorta ah ee magaalada Dubai u sameysay Madaxweynaha iyo Ganacsatada Soomaaliyeed.

Kulanka waxaa ka qeybgalay Madaxa Hay’adda Dekadaha, Cashuuraha iyo Ganacsiga xorta ah ee magaalada Dubai, Sidoo kalena ah maamulaha Shirkada DPworld Mudane Sultan Ahmed Bin Sulayem, Qunsulka Safaarada Soomaaliya Mudane Cumar Cabdulcasiis iyo Ganacsato Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Imaaraadka Iskaashiga kala dhexeeya Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada Amniga, Ganacsiga iyo Mashaariicda horumarin oo ay ugu horeyso Dekadda Boosaaso oo hadda shaqadii balaarinta meel wanaagsan marayso.

Kulanka kadib, Madaxweynaha ayaa wakhti la qaatay Ganacsatada Soomaaliyeed ee kasoo qeybgalay kulanka, waxaana ay iska xog wareysteen xaaladda dalkii iyo doorka Ganacsatada looga baahanyahay, Iyadoo Madaxweynuhu ku dhiirigeliyay in ay laba jibaaraan kaalintooda ku aadan Maalgashiga iyo garab istaaga Dowladnimada.

Related posts

Xildhibaanada Golaha Shacabka oo ansixiray Qaraar muhiim ah oo ku saabsan…

Cabdi Cade

Daawo Sawirada: Taliyaasha Milatariga iyo Booliiska oo qiimeyn ku sameeyay Amaanka Wadada isku xirta Muqdisho iyo …

Cabdi Cade

Mid ka mid ah Weriyeyaashii ugu caansanaa laanta Soomaaliga ee BBC oo geeriyooday

Caydiid Ali
Taboola Ads ---