Dowladda Soomaaliya oo taageero iyo garab istaag u muujisay Suudaan

Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in ay si buuxda u garab-taagantahay dalka Suudaan oo muran iyo xiisad dagaal kala dhexeeyo dowladda Itoobiya.

“Soomaaliya waxay si dhammaysriran ugu garab taagan tahay Suudaan dhammaan tallaabooyinka ay u qaadayso si ay uga hortagto wax weliba oo halis ku ah amnigeeda iyo xasiloonideeda” ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda Arrimaha dibadda Soomaaliya.

Go’aankan ayaa yimid kadib Wasiirka Arrimaha Dibadda Maxamed Cabdirisaaq Maxamuud, uu  Isniintii shalay khadka teleefoonka kula xiriiray dhiggiisa Suudaan, Marwo Dr. Maryam Al-Sadiq Al-Mahdi.

Waxay sidoo kale ka wadahadleen xiriirka labo geesoodka ee labada dal ee walaalaha ah iyo siyaabihii lagu xoojin lahaa, laguna qoto dheereyn lahaa.

Maxamed Cabdirisaaq ayaa intii wadahadalka teleefoonku socday waxa uu carrabka ku dhuftay xiriirka taariikhiga ah ee dhow iyo wax wadaagga ka dhexeeya labada dal, isagoo dhaleeceeyay isku-daygii afgambigii dhicisoobay ee dhacay aroornimadii Talaadadii (21-kii September) ee lala beegsaday hay’adaha dawliga ah ee sharciga ah ee Suudaan.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa tilmaamay muhiimadda ay leedahay in Suudaan ay ku dhiirrigeliso waddamada xubnaha ka ah Ururka Jaamacadda Carabta in ay fuliyaan ballan -qaadyadii ay sameeyeen kulankii ugu dambeeyay ee heer wasiir si ay taageero dhaqaale uga deeqaan doorashooyinka Soomaaliya si ay u dhammaystirmaan howlaha.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -