Nin Dil argagax leh u geestay Haweeney Soomaali ah oo xabsi la dhigay

Ciidamada Booliska ee ka howlgala Magaalada Minneapolis ee dalka Mareykanka ayaa gacanta ku dhigay nin Soomaali ah oo lagu eedeeyay in dil argagax leh u geestay haweeney kale oo Soomaali ah.

Guuleed Axmed Cabdilaahi, oo 23 jir ah, ayaa lagu eedeeyay in uu ka dambeeyay dil loo geestay haweeney Soomaali ah oo magaceeda la shaacin, waxaana ninkan dilka kadib la sheegay in haweeneydaasi uu ku riday qashin dhaxdiisa.

War kasoo baxay booliiska Magaalada Minneapolis ayaa lagu sheegay in eedeesanaha lagu hayo Xabsiga Degmada Hennepin ayna ku socdaan baaritaano dheeraad ah, waxa ayna booliiska sheegeen in ninkan iyo haweeneyda la dilay is yaqaaneen.

Dilka haweeneydan Soomaalida ah loo geestay ayaana warar kala duwan kasoo baxayaan, dadka qaar ayaana sheegay in ninkan dilka xiliga uu geesanayay uu cabsanaa, waxaana dilkan aad uga naxay Soomaalida kunool Menneapolis.

Soomaalida kunool dalka Mareykanka ayaa mararka qara dhaxdooda is dila halka mararka qaarna ee beegsadaan burcad iyo kooxo kale oo isugu jira Madow iyo Cadaan, waxaana sanad walbo dalkaasi lagu dilaa dhalinyaro badan oo Soomaaliyeed.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -