Rag Shabaabnimo lagu eedeeyay iyo Qaraxyo la qabtay oo lasoo bandhigay (Daawo Sawirro)

Ciidanka Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Jubbaland ayaa hawlgallo ay sameyeen saacadihii lasoo dhaafay ayey kusoo heleen keyd bambaanoyin iyo miino oo ay kooxda  Al-Shabaab ku duugteen Xaafada Shaqaallaha gaar ahaan agaa suuqa sariiraha.
Warbaahinta maamulka Jubbaland ayaa baahisay in ciidamada Nabad sugida maamulkaasi ay fashiliyeen bambooyinka iyo miinooyinka lagu qariyay xaafada kutaala magaalada Kismaayo .
Ciidanka Nabad Sugida Jubbaland ayaa sidoo kale la sheegay hawlgallo qorsheysan oo ay ka sameyeen aaga jiinka wabiga tuulada Yoontooy labadeeda Gedi ku soo qabteen labo nin oo la sheegay in ay katirsan yihiin kooxda Al Shabaab.
Taliska Nabad sugida Jubbaland ayaa labada nin ay soo qabteen ku sheegay magacyadooda  Xasan Cabdi Ibraahim iyo Abukar Cabdi Yaxye, waxa ayna sheegeen in ragan  Al-Shabaab u qaabilsanaayeen soo gudbinta miinoyinka, dhigista iyo Qarxintoodaba .
Maamulka Jubbaland ayaa marar badan Warbaahinta usoo bandhigay waxyaabaha qarxa iyo xubno ay sheegeen in Al Shabaab katirsan yihiin, waxa ayna saraakiisha ciidamada maamulkaasi sheegeen in ay xoojinayaan howlagalada amaanka lagu xaqiijinayo.

 

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -