C/raxmaan C/shakuur: “Ujeedka Farmaajo ee wadahadalka waa in kiiska Ikraan la xagal daaciyo”

Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir C/raxmaan C/shakuur Warsame ayaa ka hadlay wadahadalkii fashilmay xalay ee la doonayey in lagu xaliyo khilaafka Farmaajo iyo Rooble.

C/raxmaan C/shakuur ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa facebook waxa uu ku sheegay in farmaajo uusan rabin iney dalka ka dhacdo doorasho, Ikraan tahliilna loo helo cadaalad.

HOOS KA AKHRISO QORAALKA

Ujeedka ugu wayn ee uu Farmaajo ka lahaa wadahadalka waa in kiiska Ikraan la xagal daaciyo, waqti la iibsado, si uu uga soo kabto filasha waagii xilka looga qaaday agaasimihii hore ee NISA, iyo in la hakiyo dardarta RW ee gacan ku haynta hay’adaha amniga. Dad badan ayaa is waydiinaya muxuu ku diiday tanaasulkii uu Rooble sameeyey. Wuxuu doonayey in uu kalsoonida ka dilo dadka uu Rooble magacaabay, loona tusiyo in uu ka tegi karo.

Haddaba, Farmaajo tanaasul iyo xal laga sugi maayo ee qoladii dhexdhexaadinta waday mowqifkooda shacabka ha u caddeeyaan. Shacabka, Dowlad Goboleedyada, Midowga Murrashaxiinta, iyo beesha caalamkaba labalabaynta ha iska daayaan ee RW garab buuxa ha siiyaan, hawlaha doorashada hala dardar geliyo, Ikraana caddaalad ha loo helo. Isaguna labaclabacda iyo waqti lumiska ha joojiyo, waaya-aragna maalmo ha noogu kaadiyo.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -