Dood labo oday ee kala taageersanaa Dowladda & Mucaaradka oo ku dhax martay Maqaayad ku taal Muqdisho !!

Waxaan ka soo baxay malcamad [iskuul] aan macalin ka ahaa, magaaladuna waa Muqdisho, markii aan soo socday qaddar nusa saac ah, ayaa waxaa damcay inaan shaah ka cabo meel maqaaxi aheyd, markii aan fadhiistay maqaaxidii ayaa waxaa isha la raacay dadkii maqaaxida fadhiyey, isheydu waxeey ku hakatay dhowr oday oo meel gees ah fadhiyey, kana dooday mowduuc siyaasada ku taqaluqa.​

Waxaan goostay inaan kursiga xagooda u riixdo, si aan u dhageysto aragtidooda iyo sida ay wax u dhigayaan.​

Odayaasha meesha fadhiyey qolo waxeey taageereysay siyaasada madaxweynaha & r/wasaaraha, qola kalena guddoomiyaha baarlamaanka, waxaanna qolada dambe ay u arkayeen madaxda dowladda kuwa fashilmay, oo ku daneysanaya xilka dowladnimo.​

Oday ku labisnaa dhar isku jooga nuuca ay Soomaalidu u taqaan [Fotashaari] oo ul bakoorad ah uu watay marba dhinac u wil-finayey ayaa yiri:​

“Soomaalidu Farmaajo iyaga oo aan aqoon u laheyn bey doorteen Jizadooduuna mariyey, tan hadda laga cabanayo waxaa ka darran tan uu soo wado, Soomaaliya waxeey u baahan tahay hogaamiye adag oo karti & go’aan qaadasho leh oo xeerka iyo dhaqanka Soomaalida si fiican u yaqaan, Soomaaliduna isugu mid tahay, Farmaajo xittaa 2 qofood hadal kuma qancin karo waa ninka maalintii la doortay ilaa hadda saxaafadda ka dhuumanaya waxaa ka maqan isu kalsoonaantii”​

Odaygii kale, oo qoonsaday hadalka saaxiibkii, ayaa difaacay Farmaajo, kuna tilmaamay saaxiibkii nin dagdagaya oo aan samir laheyn,  wuxuuna ku doodday haddii waxa uu saaxiibkii ka sheegayo Farmaajo ay sax tahay in guri walba oo Soomaali degan tahay dalka gudihiisa & dibediisa aan laga soo dhoweeyeen doorashadii la doortay Farmaajo, kooxaha ka soo horjeedana ay isugu jiraan; kuwa cabsi ka qaba haddii dowladnimada iyo nidaamku guuleysto in ay waaya-yaan wixii ay 2 canleyn jireen & kuwo u badan caada-qaatayaal & maan-gaab xamaasad qabyaaladeed  lagu kiciyey oo war-mooge ah.​

“Jizaarnimadu ma wanaagsana, Farmaajo kuma lihi wixii uu balanqaaday oo dhan wuxuu qabtay, waxaanse qabaa in kuwii hore [qabyo]  ka daacadsan yahay, kana waddanisan yahay, waxqabadka aad sheegeyso waqti ayeey u baahan tahay nin ay la dirirayaan dowlado waaweyn oo adeegsanaya daba-dhilifyo Soomaali ah, markiisii horena meel eber ah wax ka billaabay muxuu qabtaa.? haddii ay waxqabad noqoto Soomaali ayaa ka marqaati ah in rajo dowladnimo ay Soomaali gashay wixii ka dambeeyey 8 Febraayo 2016” Ayuu yiri saaxiibkii taageerayey Dowladda.​

Saaxiibkii kale,  ayaa mar kale yiri:​-

“Soomaali, waa dhiig baxeysaa waa daacad iyo waa waddani xal uma noqotee, armaad leedahay ninkii wuxuu dhisay ciidan adag, wuxuu la diriray musuqmaasuqii, wuxuu soo celiyey haybadii iyo sharaftii Soomaali ay laheyd;  intaa bil-caksigeedii ayuu sameeyey, wuxuu naaxiyey wax alla wixii tuug & guul-wade ahaa, wuxuu dhacay hantidii dalka, wuxuu dagaal ku qaaday cid kasta oo fikirkiisa diidaneyd, dad uu qabiil ku soo aruuriyey ayuu isku gadaamay, madaxweyne hebel ayuu la kulmay aniga waxaa igala qiimo badan Hal xaafad oo Muqdisho ka tirsan ayuu amni ka dhigay ama hal waddo oo burbursaneyd ayuu dhisay”​

Dooddda 2da oday oo aan ka mid ahaa dadkii dhageysanayey waxeey sawir iga siisay sida bulshadii Soomaaliyeed kulligood ay siyaasada ugu milmeen.​

Afeef: Aragtida qoraalkan waxa ay ku gaar tahay qofka ku saxiixan, kamana tarjumeyso tan Allbanaadir Online. Allbanaadir Online, waa mareeg u furan qof kasta inuu ku gudbiyo ra’yigiisa saliimka ah.

Kusoo dir qoraaladaada iyo Fikirkaada Saliimka ah  Allbanaadir@live.com Mahadsanid

Qore:- Macalin Yusuf Xuseen Gaagaale
Gaagaale2012@gmail.com

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia

Allbanaadir@live.com

- Advertisement -