Mareykanka oo ka hadlay Khilaafka u dhaxeeya Farmaajo iyo Rooble Baaqna u diray

Dowlada Mareykanka ayaa markii ugu horeesay si adag uga hadashay khilaafka xargaha goostay  ee xiligan u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo iyo Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Xil gaarsiinta  Rooble.

Qoraal kasoo baxay dowlada Mareykanka ayaa loogu baaqay Madaxwne Farmaajo iyo Ra’isul Wasaare Rooble in si deg deg ah u xaliyaan khilaafka dhaxdooda ayna diirada saaraan qabashada doorashada waqtigeeda dhaaftay.

“Waxaan ku boorinaynaa Madaxweyne Farmaajo  iyo Ra’iisul Wasaare Roble inay si nabad ah ku xalliyaan khilaafka oo ay si buuxda diiradda u saaraan soo afjaridda  Doorashooyinka ,iyadoo aan dib u dhac kale dhicin. Doorashooyinku waxay lagama maarmaan u yihiin amniga, xasilloonida iyo barwaaqada muddada dheer ee Soomaaliya”ayaa lagu yiri qoraalka Mareykanka kasoo baxay.

Khilaafka u dhaxeeya Madaxweynaha Soomaaliya iyo Ra’isul Wasaaraha ayaa laga cabsi qabaa in saameyn xoogan ku yeesho Doorashada dalka iyo amaanka, waxaana Farmaajo dhawaan sheegay in awooda uu ka qaaday Ra’isul Wasaaraha oo hormuur u ahaa doorashada iyo amaanka dalka.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -