Guddiga Doorashada Hirshabelle oo War kasoo saaray Cabasho ay soo gudbiyeen Musharaxiin

Qaar kamid Musharaxiinta u taagan kursi kamid ah kuraasta Aqalka sare  ee doorashadiisu ka dhaceyso magaalada Jowhar ayaa halkaasi isaga soo tagay iyaga oo ka cabanayay faragelin lagu hayo doorashadxa kursiga ay u tartami lahaayeen

Musharaxiinta ayaa sheegay in kursigan doorashadiisa uu faragelin toos ah ku hayo Gudoomiye kuxigeenka labaad ee Baarlamaanka Hirshabelle , iyaga oo tilmaamay in shaqsi gaar ah lala rabo kursigaasi.

Guddiga doorashada Hirshabelle oo arintan ka hadlay ayaa sheegay in aysan arag wax habraaca doorashada ah oo la jebiyay, waxa ayna ugu baaqeen musharaxiinta Jowhar ka tagtay in ay soo laabtaan ilaa beri oo Axad ahna dib loogu dhigay doorashada kursigan.

Xafiiska Shabakada Allbanaadir.com
Muqdisho Somalia
Allbanaadir@live.com

- Advertisement -